WHAT DID THE WORLD RISE IN 1815/WHAT WAS YOUR REVOLUTION

          Maxaa aduunka kadhacay 1815/foolkaanooyinka

 

Maqaalkeena maanta waxaan ku soo qaadan doonnaa qaar kamida foolkaanooyinkii ugu halista badnaa ee aduunka ka dhacay

Intaynaan u galin aynu barano waamaxay foolkaanadu



Waamaxay foolkaanadu

Foolkaanuhu waa dareere kulul oo kasamaysan magma(dhagax dhalaalay) kaas oo ku kaydsan dhulka hoostiisa

Markii dareerahaasi uu aad u huuro (kululaado) wuxuu u soo baxaa dusha sare ee dhulka wuxuuna halaaagaa waxkasta oo ka horyimaada

Hadii aynu isla fahanay waxa ay tahay foolkaanadu aynu soo qaadano qaar kamida foolkaanooyinkii ugu dhimashada iyo khatarta badnaa ee aduunka soomara inta la diwaan galiyay

Foolkaanadii Tambora,indonesia 1815

Samnadkii 1815dii buur kutaala indonesia oo ladhoho Tanbora ayaa waxaa ka dhacay foolkaano sababray dhimashada in kabadan 12,000(boqol iyo labaatan kun) oo qof awooda foolkaanadan darteed waxaa cirka isku shareeray daruuro ka samaysan boodhkii iyo qaacii qaraxa waxayna daruurahaasi dabooleen hawada sare ee dhulka taas oo sababtay in qoraxdii ay ka qarsoonto dhulka in mudo ah waxaana hoos u dhacay heerkulka aduunka oo dhan maadaama lawaayay qoraxdii diirin jirtay aduuunka saamaynta qaraxan waxaa laga dareemay guud ahaan aduunka iyo gaar ahaan wadamada dhaca bariga aasiya

Si kooban qaraxii foolkaanadan wuxuu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa intii ladiaan galiyay

Foolkaanadii krakatoa,indonesia 1883

Sidoo kale sanadkii 1883dii jasiirad ku taala dalka indonesia oo ladhoho krakatoa waxaa kadhacay qarax fool kaano oo aad u wayn saamayntii qaraxan waxaa ku wax yeeloobay dad badan waxaana ku dhintay dad kor udhaafaya 36,000(sodon iyo lix kun) oo qof waxaana qaraxan loo diwaan galiyay mid kamida qaraxyadii ugu dhimashada iyo khasaaraha badnaa tariikhda

Dhibaatada foolkaanadan kuma e kayn oo kaliya dabka soo baxay dhulka hoostiisa, waxaa hawada galay suntii iyo boodhkii foolkaanada waxaana soo da’ay roobab sumaysan oo saamayn xun ku reebay dadka iyo deegaankaba waana dhibaato ka daran ta uu sababo qaraxu marka ugu horaysa ee uu dhaco

Foolaanadii pelee, martinique 1902

Sanadkii 1902dii Xillo aroor ah oo daku ay wali hurdaan jasiiradda martinique waxaa ka dhacay qarax foolkaano oo aad u wayn

Qulqulka dabkii ka dhashay qaraxan wuuxuu sababay in magaalooyin dhan ay isku badalaan danbas daqiiqado kooban gudahood waxaana ugu darnayd magaaladii caasimadda ahayd ee sain pierre qiyaastii kudhawaad 30,000(sodon kun) oo qof ayaa ku dhintay qaraxaas

Waxaana la aaminsan yahay in qaraxani uu ahaa mid kamida foolkaanooyinkii ugu dhimashada iyo khasaaraha badnaa ee ka dhaca kaareebiyaanka waxayna ahayd musiibo wayn oo ku habsatay jasiiradda martinique gaar ahaan magaalada  sain pierre

Faa’iidooyinka foolkaanaha

Hadii aynu intaa kaga soo gudubno sadexdii foolkaano ee ugu khasaaraha badnaa taariikhda inta laga warhayo waxaa jira faaiidooyin foolkaanooyinku ay u leeyihiin dhulka iyo deegaankaba in kastoo ay khatar wayn ku yihiin dadka iyo noolaha kaleba

Waakuwan labo faaiido oo ay foolkaanooyinku u leeyihiin dhula iyo deegaankaba

Faa’iidada koowaad: Tayaynta carrada

Markii uu dhaco qaraxa foolkaanadu waxaa ka dhasha daadad kasamaysan dhagax milmay oo aad u kulul kaas oo halaaga waxkasta oo uu soo gaadho lkn markii uu daadkaasi qaboobo in mudda ah kadib wuxuu noqdaa danbas waxtar u leh carrada wuxuuna dhulkii uu ka dhacay foolkaanuhu uu noqdaa mid dihin oo ku haboon beerashada

Taasina waa xikmade alle wax innaga dhibooto inoo ah in jiilka danbe laga yaabo in uu waxtar u yeesho

Faa’iidada labaad: samaysanka dhul cusub

Faaiidada labaad ee foolkaanuhu u leeyahay waa in uu sameeyo dhul cusub iyo deegaan cusub

Markii uu foolkaanuhu dhoco daadadka kulul ee ka samaysma markii ay qaboobaan waxay noqdaan adke iyo ciid cusub taasoo ka dhigan in uu samaysmay dhul cusub oo faaiido u leh dadka iyo xayawaankaba

Taasina waa mid kamida faaiidooyinka foolkaanaha ee mustaqbaliga ah

Gabagabadii: foolkaandu waa mid kamida waxyaabaha ugu halista badan ee aduunka ka dhaca hadana xikmada allaha wayn waxay faaiido u tahay deegaanka

Dunidan casriga ah ee la joogo waxaa lasameeyaa qiyaasaad lagu ogaanayo foolkaanooyinka mida firfircoon ee in ay qaraxdo u dhaw iyo mida huruda ee idam Alle mooyee aan laga cabsi qabin in ay qaraxdo dhawaan


Hadii aad halkan nala soo gaadhay waad ku mahadsantahay nala socoshadaada waxaad tahay akhriste gaara ah markale MAHADSANID

 Hadii aad tahay qoraa, falanqeeye sports, wariye madax banaan ama qof bulshada ugu jira kaalin muhiim ah ama aad jeceshahay inaad internet ka kashaqaysatid kaliya adiga oo maqaallo qoraya waxaad ubaahantahay meel aad kusoo bandhigtid hibadaada dahsoon kagana macaashtid lacag adigoo bulshadaada ufaaideynaya.

 Adeegyada aan kuu qaban doono

✓samaynta website blog (WordPress) ah oo dhamaystiran

✓saari taanka design quruxbadan

✓domain name free ah

✓theme caalami ah

✓caawin iyo talo joogto ah

✓iyo wax kasta oo ku saabsan blog-ga

hadii aad doonayso nagala soo xidhiidh

https://wa.me/251940452044

www.ogaalka.online

 Follow Us social media

Facebook ���

https://www.facebook.com/OGAALKA17

YouTube ���

https://youtube.com/@Ogaalkaonline

Telegram ���

https://t.me/ogaalka0

Twitter ���

https://twitter.com/UsameKayse

 

 

  

Post a Comment

0 Comments