20 useful wisdom || useful phrases

  20 xikmad oo waxtar leh|| odhaahyo faa’iido leh


Maqaalkeena waxaan kusoo gudbinaynaa 20 xikmadood oo waxtar leh nolashaadana wax kabali doona insha’allah akhris wacan

FG; odhaahyadan badankooda waxaan ka soo xigtay OGAANSHO


Waxaan leenahay labo dhago labo indho iyo hal carrab taasi waxay la micno tahay in dhagaysigeennu uu kabato hadalkeenna lkn maanta xaaladeennnu waa cagsiga.  

Farxad madareemo qof aan murugoonin,macaan ma arko qof aanan sabrin,raaxana ma arko qof aanan daalin.

Muhiim mahan in hadalkaaga la aqbalo ama laqaato lkn waxaa muhiim ah in uu runyahay xaqiiqna ku dhisan yahay.

Malaa’igtu waxay leeyihiin caqli bilaa shahwo ah, xooluhuna waxay leeyihiin shahwo bilaa caqliya halka banii’aadamku ay leeyihiin labadaba caqliga iyo shahwadaba haddaba qofkii caqligiisu ka badiyo shahwadiisa wuxuu lamid noqon malaa’igta halka qofka shahwadiisu ka badiso caqligiisa wuxuu kamid noqon xoollaha

Qofkii gacantiisa ku shaqeeyaa waa shaqaalle, qofkii gacantiisa iyo caqligiisa ku shaqeeyaana waa farsamo yaqaan halka qofkii ku shaqeeeya gacantiisa caqligiisa iyo qalbigiisa uu yahay fannaan

Waagii hore dadka waxaa loo xidhi jiray in ay wax xadeen(ay danbi sameeyeen) lkn hadda dadka waxaa loo xidhaa in ay runta sheegeen

Si aadan u dhicin waligaa qof kale ha isku halaynin hadii uu dhaqaaqo ama kaa tago si aadan u dhicin

Bakhiilka gaaajo ayuu udhintaa (sida uu xoolihiisa uga ilaalinayo naftiisa iyo dadka kaleba) halka dadka dhaxli doonana ay dharag u dhiman doonaan

Nolashu waa sida adiga oo saaaran baaskiil(bushkuleeti) si aad u socoto waa in aadan istaagin (waligaa hal dhinac ha isku halaynin)

Nolasha in aad kufto in aad fashilanto waa mid caadi ah lkn waxa lagu kala duwan yahay waa waxa ka danbeeya kufitaanka in aad horay u socoto iyo eber kasoo bilawdo

Hadii aad hayso hawl muhiim ma ahan xawaaraha aad ku socoto lkn muhiimadu waa in aadan istaagin sababtoo ah maalin uun baaddhanmayn doontaa

Ahaw sida wabiga oo kale oo aan istaagayn aan u istaagayn hadii ay dabayl jirto hadii uu qabaw jiro wax walba oo dhaca ha’istaagin

Maalin walba samee hawl aad ka baqayso in aad qabato waxay ka dhigan tahay dhamaan waxyaabaha aad ka warwaraygayso in aad Qalbigaaga in uu engago(qallalo) waxaa sabab u ah afar shay cunida badan, hurdad badan,hadalka badan iyo kudhex milanka badan ee dadka (aan waxtarka lahayn)

Dadka waxaa u xun qof lumay dhamaadka safarkiisa

Dayacida wakhtiga waxy ka xuntahay geerida geeridu waxay kaa qoysaa nolosha aduun halka dayacidda wakhtiguna uu kaa gooyo aaakhiro iyo aduunba

Subaxdii fikir maalintiina shaqee galabtiina wax cun habeenkiina seexo

Dhoola cadde waji furnaw wajiga ka duudan kuma haboona wax aan tuugsiga ka ahayn

Waxa aad hadda samaynayso waa waxa aad midhihiisa guran doonto mustaqbalka mustaqbalku waa natiijada waxa aad hadda samaynayso

Aamusnaantu ma ahan eber aamusnaantu waa jawaab dhamaystiran mararka qaar

Isku day in aad maalin walba talaabo horay u qaado waxaa qasaba oo mubanti ah in aad maaalin uun gaadhi doonto u jeedkaaga

Guusha laguu sheegayo waa dadaalka aa maanta bixinayso midhaha ka dhalan doona ee aad barri guran doonto iska fiiri hawshaada maanta

Nolosha waa uun sadex tagto aynaan waxba ka badali karin, timaado aynaan ka war hayn iyo joogto aynu hadda la nool nahay

Doodo waa is dhaafsiga macluumaad halka ,uranku uu yahay is dhaafsiga jahli

 

Ma ogi in ay 20 ka badan yihiin odhaahyahani lkn waxaa muhiima in aad wax ka faadiiday

Waxaajira maqaal hore oo aan ku soo qaadanay 20 xikmadood oo wax tar leh si aad u akhrisatid halka TAABO

Hadii aad halkan nala soo gaadhay mahaadsanid waxaad tahay akhriste gaar ah markale MAHADSANID 

Hadii aad tahay qoraa, falanqeeye sports, wariye madax banaan ama qof bulshada ugu jira kaalin muhiim ah ama aad jeceshahay inaad internet ka kashaqaysatid kaliya adiga oo maqaallo qoraya waxaad ubaahantahay meel aad kusoo bandhigtid hibadaada dahsoon kagana macaashtid lacag adigoo bulshadaada ufaaideynaya.

 Adeegyada aan kuu qaban doono

✓samaynta website blog (WordPress) ah oo dhamaystiran

✓saari taanka design quruxbadan

✓domain name free ah

✓theme caalami ah

✓caawin iyo talo joogto ah

✓iyo wax kasta oo ku saabsan blog-ga

hadii aad doonayso nagala soo xidhiidh

https://wa.me/251940452044

www.ogaalka.online

 Follow Us social media

Facebook ���

https://www.facebook.com/OGAALKA17

YouTube ���

https://youtube.com/@Ogaalkaonline

Telegram ���

https://t.me/ogaalka0

Twitter ���

https://twitter.com/UsameKayse

 

Post a Comment

0 Comments