HALISTA IYO KHATARTA AI-GA (ARTIFICIAL INTELLIGENCE)

HALISTA IYO KHATARTA AI-GA (ARTIFICIAL INTELLIGENCE)

 

78 sano kahor 18/10/1945 waxaa lasoo afjaray dagaaalkii ugu dhimashda badnaa ee taariikhda kadib markii maraykanku uu


kudhuftay labo banbo oo nukleeer ah dalka jabaan si uu ugu khasbo in uu usdhiibo

Tan iyo markaas hubka ugu halista badan ee uu banii’aadamku sameeyay waa nukleerka

Hadaba malaga yaabaa in lasoosaaro hub ka halis badan nukleerka iyada oo la adeegsanayo AI ga?

Maqaalkeena maanta waxaan ku eeegi doonnaa halista AI-GA


Waamaxay AI-gu (ARTIFICIAL INTELLIGENCE)

Artificial intelligence ama soomaali ahaan cagliga macmalka ahi waa technology u qaabaysan in ay u fakarto sida banii’aadamka oo kale waa system macluumaad cilmi ah lagu shubay wuxuuna leeyahay awood uu ku taxliiliyo macluumaadka la waydiiyo

Aqonyahanada  qaar ayaa ka walaacsan in AI-gu uu noqonkaro mid awoodleh oo khatar galin karta banii’aadamka

Waxaakale oo laga cabsi qabaa in lasameeyo hub wax gumaada iyada oo la adeegsanayo AI-ga ama in lagu sameeyo virus-yo lagu khalibo qalabyada technolgy-yada ku shaqeeya ee caalamka oo dhan

Sidaas darteed aqoonyahanadu waxay ku nbaaqayaan in laxakameeyo hormarinta AI-ga waana sababta siyaasiyiinta dawladaha waawayn ay ugu guda jiraan diyaarinta sharciyo u gaar ah AI-ga(caqliga macmaclka ah)

Waxaa suurto gal ah qofkii aan wax fikrad ah ka haysanin AI-ga in uu is waydiiyo sidee qalab uu banii’aadamku sameeyay uu halis ugu noqonkaraa isla banii’aadamkii sameeyay?

Awooda uu leeyahay AI-ga ayaa ah in uu sifiican oo ujeedo leh u tafatiro macluumaaadkii lagu shubay ama uu isagu iskii u kasbaday

Tusaale ahaan maanta way adagtahay in uu qof caadi ah bangi dhaco ama uu jabsado lkn AI-gu wuxuu awood u leeyahay in uu kuu sheego qaabka iyo wadada ugu fudud ee loo dhici karo bangi hebel ama bangiyada adoonka oo dhan!

AI-gu wuxuu awood u leeyahay in uu kuusheego qaabka ugu fudud ee haawl gooni ah loo qabto isaga oo ka fikrad qaadanaya waxa ku kaydsan ee aqoon ah iyo dhacdooyinkii horay u dhacay wuxuuna awoodaa in uu kusiiyo xog diyaarsan oo micno gooni ah leh

MAWDUUCYADII HORE

•Maxaa aduunka kadhacay 1815/foolkaanooyinka

•20 xikmad oo waxtar leh|| odhaahyo faa’iido leh

•TAARIIKHDA IYO AASAASKA SHIRKADDA ADOBE

•NINKII FAATIXADA KU QORAY XABAD BARIISA, WASIIRKII SADEXLAYDA!sadex dhacdo oo layaab badan!


AI-ga maanta waxaa loo adeegsankaraa dhina fiican ee aqoonkorodhsiga ah iyo dhina xun ee dhibaatada leh waana sababta looga cabsi qabo khatarta mustaqbaliga ah ee AI-ga gaar ahaan hadii uu u gacan galo dad budhcad ah

Maraykanka iyo shiinaha ayaa ah kaliya wadamada awooda u leh maanta qaabaynta xisaabinta iyo samaynta AI-ga lkn hadii sidan xawliga ah ay wax usocdaan mustaqbalka dhaw waxaa la arki doonaa shirkado badan oo awooda AI-ga kula biira maraykan iyo shiina

Shirkadaha maanta maamula ee gacanta ku haya AI-ga waa microsoft,google,facebook iyo openai

Waxaana laga cabsi qabaa in shirkadahani ay si’aanan haboonayan u adeegsadaan igaya oo fiirinaya danohooda ugaaarka ah

Gabagabadii: AI-gu waa technology-yad hadii si fiican looga faa’iidaysto wax badan ku soo kordhin karta aduunka waxaana looga faa’oodaysan karaa abuurista website-yo maqaallo- iyo waxkasta oo waxtar leh sidookale waxaa loo isticmaali karaa cagsiga

Si kooban AI-gu waa seef  labo af leh 

Hadii aad tahay qoraa, falanqeeye sports, wariye madax banaan ama qof bulshada ugu jira kaalin muhiim ah ama aad jeceshahay inaad internet ka kashaqaysatid kaliya adiga oo maqaallo qoraya waxaad ubaahantahay meel aad kusoo bandhigtid hibadaada dahsoon kagana macaashtid lacag adigoo bulshadaada ufaaideynaya.

 Adeegyada aan kuu qaban doono

✓samaynta website blog (WordPress) ah oo dhamaystiran

✓saari taanka design quruxbadan

✓domain name free ah

✓theme caalami ah

✓caawin iyo talo joogto ah

✓iyo wax kasta oo ku saabsan blog-ga

hadii aad doonayso nagala soo xidhiidh

https://wa.me/251940452044

www.ogaalka.online

 Follow Us social media

Facebook 

https://www.facebook.com/OGAALKA17

YouTube 

https://youtube.com/@Ogaalkaonline

Telegram

https://t.me/ogaalka0

Twitter

https://twitter.com/UsameKayse


Post a Comment

0 Comments