SOO KOOBIDA BUUGA LOOLAN QAYBTII 6AAD

 

SOO KOOBIDA BUUGA LOOLAN QAYBTII 6AAD!


Waa maqaaladii taxanaha ahaa ee AAN ku soo koobaynay buugga 𝐋𝐎𝐎𝐋𝐋𝐀𝐍 qaybtii 6aad

Hadii aadan akhrisanin maqaaladii hore si aad u akhrisatid TOOBO HALKAN👈




Waxay inoo joogtay cutubka 5aad qodobka 10aad halkii aan kasii wadno

Wuxuu ku leeyahay SUN TZU


11-Labada hab (habka tooska ah iyo ka dahsoon) midiba mid ayuu kuu hoggaaminayaa oo sida goobada ayaanay bardhammaad lahayn,
haddii labadaa hannaan la isku daro oo la wada adeegsado bal yaa faallayn kara taxanaha guusha ah ee ka dhalanaya?


12- Ciidanka carbisan ee sida guubaabada leh loo dhiirrigaliyo, halka go'aanna lagu dagaal galiyaa marka uu weerar qaado sida uu daadku dhadhaabbada gaaddada ugu qaato ee u dulundulceeyo ayuu cadaawaha shafka ugu qaataa oo meel la degay iyo digaa baasaha uga dhigaa, waxana uu noqdaa sidii gardarro garab og.


13. Tayada iyo waxtarka go'aanka laga baaraandegay ee xilli ku habboon la fuliyay ciidanka wuu guulaa oo waxa uu gaadhsiiyaa heer ay sida uu gallaydhku ugaadha ugu haado cadowgooda dhawr baac dhusinka dhulka hoos u la gooyaan.


14- Sidaa awgeed; dagaalyahanka samcani (is hubaa) si argagaxgalin leh ayuu u weerartamaa, si dhakhso iyo ka fiirsasho lehna wax wuu u go'aansadaa. lagu qiyaasaa qaanso la gigtiray si leebka looga rido,


15- Awoodda iyo tamarta dagaalyahanka dhabta ah waxa lagu qiyaasaa qaanso la gigtiray si leebka looga rido,go'aankiisana fallaadh la ganay marka ay qaansada ka murkudayso.


16- Marka ay labada ciidan dhexda isu galaan ee bulaanka iyo sawaxanku baxaan, laga yaabaa in ay safafkaagu u muuqdaan in ay kala daateen, balse wax kala daadasho ahi ma jiraan. Marka uu kala googoosanka iyo jahawareerku colkaaga dagaalka ku jira haleelo laga yaabaa in ay ciidankaagu bilaa foolaad iyo sayn noqdaan, balse u babacdhiggoodii iyo adadkaanshahoodii is dhimayaan. madhimanayaan


17 Haddii aad muujisanayso in ay safafkaagii burbureen si aad cadaawaha jillaab ugu tuurato waxa ay kaaga baahan tahay in aad si dhammaystiran u nidaamsanaato.
Haddii aad muujisanayso baqe carar waxa ay kaaga baahan tahay geesinimo buuxda. Haddii aad muujisanayso taagdarro si uu cadawgaagu u moodo in uu canka ku gashan karo waa in aad lahaataa awood buuxda oo aad madixiisa minjo ugu rogi karto.


18-Nidaamsanaantaada oo aad ku gedaamayso daah isku dhexyaac ahi waxa keliya oo ay ku xidhan tahay in aad si wanaagsan u qaybiso cutubyada iyo hurimaha colkaaga. Geesinimadaada oo aad ku hoos'asturto fulaynimo mala'awaal ahi waxa keliya oo ay kaaga baahan tahay in ay wood badani kuu dahsoonaato. Xooggaaga iyo araankaaga oo aad ku gedaanto go' tamar yari ahina waxa eliya oo uu kaaga baahan yahay taatiko carbineed.


19-Sidaa awgeed; ninka xariifka ku ah in uu dagitaankiisa ku maamulo dhaqdhaqaaqa cadaawuhu, si mardabayntiisaasi ugu hirgasho wax ayuu u huraa oo dhib ay la'aan dheefi dheer, waxaasna nacabku wuu ku haadaa oo dafaa isaga oo moodaya in uu ninkaas wax u dhimay oo wax badso wax beel ayay dhashaa ayay ku noqotaa, balse jabkiisa ayaa halkaas ka bilaabma illeen jillaab loo ritay ayuu ahaaye.


20- Kolka aad cadaawaha jillaabta u dhigato isaga oo gaardiyaya ayuu ku soo qamaamaa', halkaasna waxa loogu sii diyaarsadaa ragga ugu sita ciidankaaga ee sheeggan, ka dibna waxa laga dhigaa injir bacad loo wadhay.


21- Dagaalyahanka xariifka ahi waxa uu u fiirsadaa saamaynta ka dhalata midaynta awoodda iyo karaanka colkiisa ee ma indha'indheeyo tamarta shakhsiyadeed, ka dib waxa uu ka baaraandegaa raggiisa nin walba waxa uu Ilaahay hibada u siiyay, mid walibana hawsha uu ka adag yahay ayuu u xil saaraa, sidaas ayuu ciidankiisa nin waliba karaankiisa ku faa'ideeyaa oo ay awooddoodu ku midawdaa.

22-Marka uu ka faa'idaysto midaynta karaanka colkiisa, tamar dheeri ah iyo dhiirrigalinna uu siiyo, waxa ay dagaalyahannadiisu noqonayaan sidii dhadhaabbo

LASOCO QAYBTA XIGTA

MAHADSANID

Hadii aad tahay qoraa, falanqeeye sports, wariye madax banaan ama qof bulshada ugu jira kaalin muhiim ah ama aad jeceshahay inaad internet ka kashaqaysatid kaliya adiga oo maqaallo qoraya waxaad ubaahantahay meel aad kusoo bandhigtid hibadaada dahsoon kagana macaashtid lacag adigoo bulshadaada ufaaideynaya.

Adeegyada aan kuu qaban doono

✓samaynta website blog (WordPress) ah oo dhamaystiran

✓saari taanka design quruxbadan

✓iibinta domain name

✓theme caalami ah

✓caawin iyo talo joogto ah

✓iyo wax kasta oo ku saabsan blog-ga

hadii aad doonayso nagala soo xidhiidh

https://wa.me/251940452044

www.ogaalka.online


Follow Us social media

Facebook 👇
https://www.facebook.com/OGAALKA17

YouTube  👇
https://youtube.com/@Ogaalkaonline

Telegram 👇
https://t.me/ogaalka0

Twitter     👇
https://twitter.com/UsameKayse

Post a Comment

1 Comments