Taxi-Ga Duulla|| Diyaaradda Cajiibka Ah Ee Shirkadda Airbus

Taxi-Ga Duulla|| Diyaaradda Cajiibka Ah Ee Shirkadda Airbus

Shirkadda diyaarada ee airbus ayaa dhaahisay in ay soosaartay diyaarad Helicopter-ah oo ka duwan dhammaan diyaaradihii horay u jiray, diyaaradan Helicopter-ah oo lagu magacaabo “CityAirbus NextGenayaa ah diyaarad u shaqayn doonta qaab taxi ahaan ah iyada oo u kala gooshi doonta gudaha magaalooyinka waawayn, waxaa kale oo loo isticmaali doonaa safarada gaagaaban ee magaalo illaa kamagaalo ah.


Diyaaradani laguma shubi doono wax shidaal ah lkn waxay ku shaqayn doontaa korontada, waxay leedahay battery dab kaydiye ah oo ay diyaaradu u isticmaali doonto baddalka shidaalka, sidoo kale diyaaradan malahaan doonto duuliye si toos ah u wadi doona lkn waxaa jiri doono qof kahagi doona meel fog oo la socondoona dhaqdhaqaaqa guud ee diyaarada, wuxuuna hagaha diyaaaradu awood u leeyahay in uu ugaado cilladaha soo kordha,heerka  dabka battery uu marayo iyo nooca jawiga ay diyaaradu ku socoto.

Shirkadda soo saartay diyaaradan ee airbus ayaa sheegatay in lagu guulaystay tijaabadii diyaaradan waxaana loo dhamaystiray wax kasta oo ay u baahnayd waxaana la flilayaa in ay xilli dhaw si toos ah u shaqo gali doonto

Haddii aad u baahan tahay in laguu sameeyo website blogger,wordpress ama e-commerce website nagala soo xidhiidh https://wa.me/251940452044 ama www.ogaalka.online

Faa’iidooyinka  Diyaaraddan

Ø Dikhoow la’aan:CityAirbus NextGen waa diyaarad ku shaqaysa korontada taas oo micneheedu yahay in aysan soosaarayn wax qiiq ah oo hawada wasakheeye waana mid kamida faa’iidooyinka diyaaradan taxi-ga ah.

Ø Sawaxan la’aan:sida caadiga ah diyaaradaha ku shaqeeya korantadu way ka sawaxan iyo qaylo yaryihiin diyaaradha ku sjaqeeye shidaalka, taasina waa faa’iido kale oo ay leedahay diyaaradan maadaama ay ku shaqayso korontada.

Ø Yaraynta cidhiidhiga wadooyinka:diyaaraddan waa nooca qummaatiga u kaca ee loo yaqaano Helicopter-ta taasi oo ka dhigan in aysan u baahnayn garoon ay ka duusho ama ay ku dagto, sidoo kale uma baahna waddo ay marto, markaas waxaa yaraanaya saxmadda iyo jaam-ka waddooyinka.

Ø Fursado dhaqaale oo cusub:Horumarinta iyo hawlgelinta CityAirbus NextGen waxay u abuuri kartaa shaqooyin cusub iyo fursado dhaqaale qaybaha duulista iyo dhaqdhaqaaqa magaalooyinka.

Faa’iido Darrada  Diyaaraddan

Ø Qiimaha sare:Horumarka iyo wax soo saarka CityAirbus NextGen waa qaali, taasoo ku adkeyn karta dadka qaarkood inay awoodaan in ay raacaan oo ay u isticmaalaan nolol maalmoodkooda ciidiga ah.

Ø Walaaca badbaadada:maadaama ay diyaaradani tahay nooc cusub oo aan horay wali loo isticmaalin waxaa lagu khasbanaan doonaa in lamariyo tijaabooyin badan si dadka loogu qanciyo in ay nafohooda ku aaminaan.

Ø Xeerarka:Ilaa hadda ma jiraan shuruuc loo dejiyay oo ku saabsan hawlgalka diyaaradaha noocan ah  wadamo badan oo calamka ah. Tani waxay dib u dhigi kartaa keenista iyo hawl-galinta diyaaradan CityAirbus NextGen.



Haddii aad u baahan tahay in laguu sameeyo website blogger,wordpress ama e-commerce website nagala soo xidhiidh https://wa.me/251940452044 ama www.ogaalka.online

Taariikhda Shirkadda Airbus

Shirkaddan diyaaraddan taxi-ga ah soo saartay ee airbus ayaa kamida shirkadaha farsameeya gaadiidka hawada sida; diyaaradaha xammuulka,kuwa rakaabka iyo kuwa qummaatiga u kaca ee Helicopter-ta. waana shirkad kor u ka samaynaysay sanadihiiugu danbeeyay.

Shirkaddan airbus Waxaa la’aas aasay 1970kii iyada oo muddo yar gudaheed ku samaysay horumar aad u wayn waxa ayna 30 kii sano ee lasoodhaafay kaalmaha hore kaga jirtay shirkadaha ugu wax soosaarka fiicnaa caalamka dhinaca diyaaradaha.

Gabogabadii;Guud ahaan, CityAirbus NextGen waxay leedahay karti ay wax uga beddesho gaadiidka magaalada.

Taxi-gan duulaya ee ay farsamaysay shirkaddu haatan ayaa noqon doona mid aad u soo jiita indhaha caalamka, wuxuuna xiiso u yeeli doonaa tartankii loogu jiray duulimaadyada hawada sare.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira caqabado u baahan in wax laga qabto ka hor inta aan si ballaaran loo isticmaalin.

Haddii aad maqaalkan ka heshaysii faafi mahadsanid

Post a Comment

0 Comments