THE MAN WHO WROTE THE WINNING BULLET, THE MINISTER OF THREE! Three surprising events!

NINKII FAATIXADA KU QORAY XABAD BARIISA, WASIIRKII SADEXLAYDA!sadex dhacdo oo layaab badan!


Maqaalkeena maanta waxaan kusoo gudbin doonnaa sadex dhacdo oo layaab batan 

Hadii aad rabtid in aad akhrisato qaybihii hore 👉 Halkan Taabo👈

NINKII FAATIXADA KU QORAY XABAD BARIISA

Sheekh Maxamuud ibnu xamse Al-dimishiqiyi oo ahaa faqiih xanafi ah wuxuu noolaa (1226-1305H)
Markii laga sootago cilmigiisa diineed iyo imaamni madiisa waxuu ahaa qoraa cajiib ah oo xariifku ah xirfadda qoraanimada

Sanadii 1267H wuxuu qoray dhammaan magacyada asxaabtii Ka qayb gashay dagaalkii Badar oo gaadhayay 319 magac
Arinta layaabka leh ayaa ah in dhammaan magacyadaas uu ku qoray waraaqad la'eg
Faraanti ama fargashi
YAABKA YAABKII

Taas waxaa kasii yaab badan in sanaddii 1268H uu faataxada oo dhan uu ku qoray XABAD BARIISA waliba wuxuu raaciyay magaciisa iyo Taariikhdii uu qoray
YAABKA YAABKII

WASIIRKII SADEXLAYDA

Wararka layaabka leh ee lagasoo wariyo khadaad ibnu muqla waxaa kamida in uu kitaabka quraanka kariimka uu qoray sadex jeer. In uu safray intii uu noolaa sadex jeer.
Wuxuuna wasiir u noqday sadex Khaliif oo Kala duwan (Al-muqtadir,Al-qaahir iyo Al-raadii)
Sidoo kale markuu dhintay kadib waxaa la'aasay sadex jeer markii koowaad wuxuu ku dhintay xabsiga waxaana lagu aasay guriga suldaanka. Kadib ehelkiisii ayaa codsaday in loodhiibo kadibna dib ayaa loo faagay qabrigiisii waxaana maydkiisii lagu wareejiyay ehelkiisii kadibna waxaa lagu aasay guriga wiilkiisa abuu xusayn
Kadib waxaa mar sadexaad qabrigiisii quftay xaaskiisii maxayna mar sadexaad soosaartay maydkiisii kadibna waxay ku aastay gurigeeda
YAABKA YAABK

MOWDUUCYO HORE

q.1aad sadex dhacdo oo layaab badan! yaabka yaabkii

sadex boqor oo layaableh! yaabka yaabkii qaybtii 2aad

labo qiso oo xanuun badan oo ku dhacday labo qoys!

rootiilihii rafaada! sheeko xiiso leh

TIIR MASOOMARO ILLAA UU TAABTAA

Ficiladii uu sameeyay qoraagii Ingiriiska ahaa ee Dr. Johnson, waxyaabaha la yaabka leh ee ku saabsan hab-dhaqankiisa waxa ka mid ahaa in haddii uu waddooyinka magaalo kasta maraayo uu si kutalo gal ah u taabto tiirarka ku dheggan laamiyada, hadii ay dhacdo in tiir uu si ogaal la'aan ah u u dhaafo uu soo noqon jiray illaa uu kataabto.
YAABKA YAABKII

Sidookale dhacdooyinka layaabka leh waxaa Ka mida Boqorada Vanden waxay amartay timo-jareheedii gaarka ahaa in la xidho muddo saddex sano ah, si aanu qof isaga ahayn u ogaanin in timaheeda ay cirro noqdeen.
YAABKA YAABKII

Waxaan soo wadnaa dhacdooyin layaableh sida kuwan oo kale
Si aysan kuu dhaafin nagu soo biir
MAHADSANIDIIN

Hadii aad tahay qoraa, falanqeeye sports, wariye madax banaan ama qof bulshada ugu jira kaalin muhiim ah ama aad jeceshahay inaad internet ka kashaqaysatid kaliya adiga oo maqaallo qoraya waxaad ubaahantahay meel aad kusoo bandhigtid hibadaada dahsoon kagana macaashtid lacag adigoo bulshadaada ufaaideynaya.

Adeegyada aan kuu qaban doono

✓samaynta website blog (WordPress) ah oo dhamaystiran

✓saari taanka design quruxbadan

✓domain name free ah

✓theme caalami ah

✓caawin iyo talo joogto ah

✓iyo wax kasta oo ku saabsan blog-ga

hadii aad doonayso nagala soo xidhiidh

https://wa.me/251940452044

www.ogaalka.online

Follow Us social media

Facebook 👇
https://www.facebook.com/OGAALKA17

YouTube  👇
https://youtube.com/@Ogaalkaonline

Telegram 👇
https://t.me/ogaalka0

Twitter     👇
https://twitter.com/UsameKayse

Post a Comment

0 Comments