5. talo aa Waxtar u leh qof walba gaar ahaan dhalinyarada


 


 5.talo oo qofkastaa oo dhalinyaro ah laga rabo inuu kudhaqmo

Qofka dhaqankiisa iyo caadooyinkiisu waxay saamayn kuyeshaan mustaqbalkiisa danbe saas darteed waxaa waajiba in uu qofku wanaajiyo dhaqamadiisa

Hallkana waxaan idinkula wadaai doonaa shan talo oo qofka muhiim u ah

• JOOGTAYNTA

Qofkastaa wuxuu gaadhaa go’aamo waxtar uleh noloshiisa lkn ga’aamadaas waxaa kamidhadhaliya dadka joogteeya uun joogtayntu waa sifo qofkii ku dhaqmaayi mahadin doono

• IKHLAASKA

Waxwalba oo aadsamaysaa oo cibaado ah salaadaha soonka sadaqada amrida wanaaga reebitaanka xumaanta waxba matarayaan haduusan lasoconin ikhlaaska waligaa hakatagin ikhlaaska iyo lillaahi nimada

• U CUDURDAAR DADKA

Daka dhamaantood isku duruufo iyo isku xaalad kumajiraan hadii aad qof ku aragto shay silood durbaba hakaqaadanin aaminaad khaldan u cudurdaar oo kamalee khayr Rasuulku scw waakii lahaa hadal uu macnihiisu yahay “kamaleeya mu’miniinta khayr”

Allena waakii kucanaantay asxaabta markii ay maqleen beentii laga faafiyay caa’isha inay ka malaysan waayeen khayr (suurada AL-nuur 12)

• BARO LUUQAD CUSUB

Barashada luuqad kale gaar ahaan luuqada caalamiga ah ee englishka iyo carabiga waa arin lama huraan u ah qof walba oo dhalinyaro ah waxaana marag madoon ah hadii aad rabtid inaad barato cilmi cusub kuudooni ha’ahaadee gaar ahaan culuumta laxidhiidha technology-da waxaa lama huraan ah inaad baratid luuqad aanan ahayn somaliga

• BARO XIRFAD CUSUB

Inaad xirfad aad barataayi waa muhiim gaar ahaan dhalinyarta hadii ay bataan xirfadahaagu waxaa yaraan baahida aad uqabto dadka kale saasookale hadii ay yaraadaan xirfadahaagu waxaa badan baahida aad uqabto dadka kale baahida badanna waa layskunacaa

Kuwaasi waa habdhaqano aan u arkay inay muhiimyihiin mana ahan shantan oo kaliya way kabadan karaan keebaa kamaqnaa noloshaada oo aad kaheshay maqaalkan

Mahadsanid


https://www.facebook.com/OGAALKA17


Waa page aad kahelayso maqaallo Tayo leh

Post a Comment

0 Comments