Yahuudda Cadawga 1aad Ee Galbeedka,Sidee?! Qaybtii 2aad

Yahuudda Cadawga 1aad Ee Galbeedka,Sidee?! Qaybtii 2aad

 Yahuudda Cadawga 1aad Ee Galbeedka,Sidee?! Qaybtii 2aad

Waa qaybtii labaad ee maqaalkii aynu uga hadlaynay sida ay yuhuuddu cadaw-dadban ugu yihiin reer-galbeedka si aad u akhrisatid qaybtii 1aad “Taabo Halkanmahadsanid


3. Equality(sinnaanta)

Uma baahnin in aynu qeexno Equality sinnaanta dhaqamada,afafka,midabada iyo diimuhu waxay ahaayeen arimo ay reer-galbeedku ku faani jireen iskuna muu jin jireen in ay si buuxda ay u dhaqan galiyeen dawladahana ay ku khasbijireen, lkn waxaa soo baxay dawldad cidwalba fitno ku ah “israa’iil”.

Israa’iil waxay si muuqata uga  talaabsatay qodobkii ahaa Equality “sinnaanta” waxay xasuuq iyo takoor ba’an u gaysatay falastiiniyiinta illaa ay damacday in ay ka tirtirto dunida guudkeeda ama ay ka saarto dhulkooda lkn sidii caadada ahayd reer-galbeedku waxba kama dhihin kumana canbaarayn israa’iil ficilladaas khilaafsan Equality-ga.

Haddii aad u baahan tahay in laguu sameeyo website blogger,wordpress ama e-commerce website nagala soo xidhiidh https://wa.me/251940452044 ama www.ogaalka.online

Halkaasna waxaa ka muuqatay labo-wajiilanimada reeer-galbeedka mana jiri doonto cid danbe oo caqli leh oo ka dhagaysan doonta wax ladhoho Individualism,

Sidaasina waxay israa’iil caqabad ugu tahay nidaamka reer-galbeedku ay dunida ka gadayeen in muddo ah.

4. Rule of law(Sarraynta Sharciga)

Sarraynta sharcigu waa “dhaqan galinta qodobyada ku yaalla dastuurka dalkaas” qodobkan iyo in uu diinteenna lajaan qaadayo ama kahor imaanayo adiguba waad garan kartaa(xagga hoose noogu reeb aragtidaada).

sarraynta sharcigu diinta islaamka way


sabab?

Qodobkan waa qodob lagu khasbi jiray laguna cunaqabatayn jiray dawlado badan oo ay kamid yihiin dawladaha carabta iyo kuwa islaamka lkn ma ahan mid ay israa’iil ka warhayso, reer-galbeedkuna maba xusuusiyaan iskaddaa in ay kula xisaabtamaan e.

Halkaasna waxaa ka muuqatay labo-wajiilanimada reeer-galbeedka mana jiri doonto cid danbe oo caqli leh oo ka dhagaysan doonta wax ladhoho  “Rule of law” Sidaasina waxay israa’iil caqabad ugu tahay nidaamka reer-galbeedku ay dunida ka gadayeen in muddo ah.


5. Democracy(Dimuqraadiyadda)

Dimuqraadiyaddu waa “mabda ku dhisan in dadku ay xor uyihiin in ay doortaan ciddii maamuli lahayd iyo sidii ay isku xukumi lahaayeen” tusaale: in dal lagu xukumo dastuur gacan ku samays ah ama in lagu xukumo diinta isalaamka dimuqraadiyaddu waxay leedahay waa doorasho u taalla shacabka, in ay shacabku u codeeyaan in lagu xukumo diinta ama in lagu xukumo qaanuun kale markii loo eego dimuqraadiyadda waa xaq ay leeyihiin shacabku lkn sidaasi wax uma dhacaan.

Markii lagaadho xilliga doorashada waxaa lakala doortaa labo ama sadex nin oo reer-galbeedku ay ka dhex arkaan danohooda xambaarsanna mabaadi’dooda sidaas darteed kii soobaxaba waa koodii ay larabeen lkn shacabka waxaa loo muujiyaa in ay iyagu xor yihiin oo ay doorteen ciddii ay rabeen, lkn sida xaqiiqada ah waa isku mid sidaas ayayna reer-galbeedku ku gaadhayaan u jeedkooda dadkana isaga jeedinayaan.

Markii aynu eegno falastiiniyiinta waxay si rabitaankooda ah ku doorteen in ay maamulaan ururka xamaas, waana arin waafaqsan dimuqraadiyadda waxaana reer-galbeedka iyo israa’iil looga fadhiyay in ay taageeraan ama ugu yaraan ay faraha kala baxaan xamaas maadaama ay tahay urur si dimuqraadi ah loosoo doortay, lkn taasi ma dhicin waxayna israa’iil weerertay oo ay argagixiso u a qoonsatay urur qaab dimuqraadi ah xilka ku yidhid.

Maadaama ay israa’iil ay colaadisay urur qaab dimuqraadi ah xilka ku yidhid waxaa la filayay in reer-galbeedku ay israa’iil cuna qabateeyaan ama ay canbaareeyaan maadaama ay dimuqraadiyaddii ku gaftay lkn taasi ma dhicin waxayna la safteen israa’iil waxaana caddaaatay in aysan jirin wax ladhoho dimuqraadiyad haddii laga dhex arki waayo danaha reer-galbeedka.

Halkaasna waxaa ka muuqatay labo-wajiilanimada reeer-galbeedka mana jiri doonto cid danbe oo caqli leh oo ka dhagaysan doonta wax ladhoho “Democracy” Sidaasina waxay israa’iil caqabad ugu tahay nidaamka reer-galbeedku ay dunida ka gadayeen in muddo ah.

6. Human rights(xuquuqul insaanka)

Human rights waa “waa mabda ku dhisan dadka oo dhan iyada oo aan loofiirinin lab,dhadig,cadaan,nadoow ama diin waxay leeyihiin xuquuq banii’aaadannimo” israa’iiil waxa ay dunida tustay in aysan ka jirin wax ladhoho xuquuq banii’aadannimo oo ay u siman yihiin dadka oo dhan taasina maanta cid walba ayaa arki karta.

mana jiri doonto cid danbe oo caqli leh oo ka dhagaysan doonta wax ladhoho  “human rightsSidaasina waxay israa’iil caqabad ugu tahay nidaamka reer-galbeedku ay dunida ka gadayeen in muddo ah.

Gabagabadii: dagaalka ay israa’iil ku waddo falastiiniyiinta markii laga fiiriyo dhinaca kale waa mid caqab ku ah xeerarkii ay reer-galbeedku madaxda caalamka ku xiniinyo taaban jireen israa’iil darteed ayayna maanta caqiiqooyinkaas ay u soo muuqdeen, reer-galbeedkuna waa kuwo aaad ugu cadhaysan israa’iil lkn masoo muujin karaan cadhadoodaas mana kula xisaabtami karaan danbiyadaas.

Alle wuxuu yiri:

)١٠٣ وَلَا تَهِنُواْ فِي ٱبۡتِغَآءِ ٱلۡقَوۡمِۖ إِن تَكُونُواْ تَأۡلَمُونَ فَإِنَّهُمۡ يَأۡلَمُونَ كَمَا تَأۡلَمُونَۖ وَتَرۡجُونَ مِنَ     

 ٱللَّهِ مَا لَا يَرۡجُونَۗ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلِيمًا حَكِيمًا ١٠٤(

Haddii aad halkan nala soo gaadahy aad ayaad u mahadsan tahay, sii faafi maqaalkan haddaad ka heshay maekale mahadsanid

Post a Comment

0 Comments