Yahuudda Cadawga 1aad Ee Galbeedka,Sidee?!

Yahuudda Cadawga 1aad Ee Galbeedka,Sidee?!

Yahuudda Cadawga 1aad Ee Galbeedka,Sidee?!

Yuhuuddu waa qawm aad uga duwan bulshooyinka kale waa qawm fitno ku ah bulshiiyinka oo dhan xitaa waxay fitno ku yihiin dawladaha kiristaaanka ah ee hadda taageera, sida uu Alle quraanka ku sheegay yuhuuddu waxay dhulka fasahaadin doonaan labo jeer.

لَتُفۡسِدُنَّ فِي ٱلۡأَرۡضِ مَرَّتَيۡنِ وَلَتَعۡلُنَّ عُلُوّٗا كَبِيرٗا 

Marxaladda ay hadda ku sugan yihiin yuhuuddu waa marxalad ay ku fasahaadinayaan dhulka oo dhan muslim iyo gaalba,cadaan iyo madowba,carab iyo cajamba. Xitaa waxay fasahaad ku wadaan dawladaha hadda taageera ee reer-galbeeedka iyo maraykan, waxayna yuhuuddu dhibaaato ku yihiin masaalixda iyo danaha galbeedka.

Hadaba…

SIDEE?!!

Dunida qarniyadii ugu danbeeyay oo dhan waxaa lagu maamulayay nidaam daaquutiya(nidaam garab marsan kitaabka quraanka) waxaa dunida oo dhan dadka iyo dawladuhuba ay u hogaan-sanaayeen akhlaaqda iyo fakarka reer-galbeedka, sikastoo culimada iyo wax garadku uga digaan dariiqaas khaldan haddana looma joojin oo dhag jalaq-looma siin.

Haddii aad u baahan tahay in laguu sameeyo website blogger,wordpress ama e-commerce website nagala soo xidhiidh https://wa.me/251940452044 ama www.ogaalka.online

Sikastooy ahaataba dawladaha qaar nidaamkan reer-galbeedka waxay ku haysteen xoogaa xasilooni ah, reer-galbeedkuna waxay ka shaqaynayeen sidii nidaamkoodan ay ugu faaafin lahaayeen caalamka oo dhan, lkn nidaamkoodan waxaa fitno ku ah qawm aysan ka maarmi-karin aysanna mucaaradi karin
YUHUUDDA(QIBLADA FASAHAADKA) ficillada ay yuhuuddu falastiiniyiinta kula dhaqanto darteed.

Haddaba maqaalkeeena maanta waxaan ku soo qaadan doonnaa qaabka ay yuhuuddu u carqaladeeyeen doonistii reer-galbeedka ee ahayd ku faafinta caalamka oo dhan nidaamka ay rabaan ee ay calmaaniyaddu gundhigga u tahay.

Dhaqammada reer-galbeedku ay aad u qadariyaan ayna rabaan in ay dunida oo dhan ku faafiyaan waxaa kamida;

1. Individualism

2. Liberty

3. Equality

4. Rule of law

5. Democracy

6. Human rights IWM


Qodobyadan dawladaha dhamaystiray ee sida wayn ugu dhaqma waxaa lagu tilmaaamaa dawlado horumaray(caalamka 1aad) dawladaha kale ee aan qodobyadan dhamaystirin ama ka soo horjeeda waxaa loo arkaa dawlado dibu dhacay oo ku dhex sugan mugdi wayn

Sidaas oo ay tahay waxaa jirta dawlad aan kudhaqmin qodobadan oo si cad u garab marta  waana dawladda guumaysiga ah ee israa’iil lagu magacaabo.

Yuhuuddu kaliya dhaawac uma ay gaysanayaan falastiiniyiinta waxa ay sidoo kale burburinayaan nidaamkii ay saaxiibadood kasoo shaqaynayeen, darsi cusub oo bilaash ah ayayna siinayaan dadyawga dunida,

Inta aynu ku dhex jirno maqaalkan waxaynu qodob,qodob u dul istaagi doonnaa qaabka ay yuhuuddu khatar ugu tahay nidaam lasoo dhisayay qarniyadii ugu danbeeyay oo dhan.


1. Individualism(madax-bannaani shakhsiyadeed)

Qeexitaanka kooban ee Individualism waa “in qofkastaa uu u madax bannaan yahay aaminaadiisa iyo afkaartiisa, waa in aanan qofna lagu khasbin wax aanu doonayn”

Marka intani lagu soo koobo qofkastaa wuxuu u arkayaa Individualism shay fiican oo ka hortagaya in dadka la cadaadiyo laguna khasbo wax aysan doonayn lkn sidaas ma’ahan.

Individualism waa nidaam ku dhisan shahwada iyo rabitaanka qofka waa nidaam si buuxda u diidaya in waalid uu amro ilmihiisa dhaqanka suuban ee islaamka, waa nidaam ku khasbaya aabaha in uusan waxba ka dhihi karin waxa ay samaynayaan caruurtiisu iyo cidda uu masuulka ka yahay sidaas darteed Individualism ma’aha nidaam la jaanqaadaya diinta islaamka.

Nidaamkan Individualism oo ay reer-galbeedku ku khasbi jireen dawladaha ciddii ka hortimaadana ay cunaqabatayn jireen ama ay xilka dhaafin jireen ayaa waxaa si cad uga horyimaaday dawladda quumaystaha ah ee israa’iil lkn sida muuqata kama hadli karaan kumana eedayn karaan waxaana muuqatay laba-wajiilanimada reer-galbeedka mana jiri doonto cid danbe oo caqli leh oo ka dhagaysan doonta wax ladhoho Individualism,

Sidaasina waxay israa’iil caqabad ugu tahay nidaamka reer-galbeedku ay dunida ka gadayeen in muddo ah.

2. Liberty(xoriyadda xuquuqda aasaasiga ah ee qofka)

Qeexitaanka Liberty waa “xoriyadda xuquuqda aasaasiga ah ee qofka uu haysto sida;xoriyadda hadalka,aaminaada,maamulka,diinta IWM qodobka Liberty markii loo bandhigo falastiiniyiinta iyo israa’iil waxaa sicad u muuqata in ay israa’iil si 100% ah u khilaafan tahay,

Dhinaca kale reer-galbeedka isaga ayaaba mamnuucaya in la taageero falastiiniyiinta waxaana dhammaan social media-ha laga mamnuucay wax kasta oo lagu taageerayo falastiiniyiinta ama lagu dhaleecaynayo guumaystaha israaa’iil, isla iyaga ayaa ka hor imaanaya qodobkii muqaddaska ahaa ee Liberty-ga israa’iil darteed.

Sidaasina waxay israa’iil caqabad ugu tahay nidaamka reer-galbeedku ay dunida ka gadayeen in muddo ah.

Maadaama uu maqaalku yara dheeraaday qodobyada kale waxaan ku soo qaadan doonnaa qaybta 2aad ee maqaalka,

Lasoco qaybta xigta

 

 

 

 

 

Post a Comment

0 Comments