qaarada ANTARCTICA/MEESHA UGU DANBAYSA CAALAMKA

 Qaarada Antarctica/Meesha Ugu Danbaysa Caalamka

Qaarada antartctica waa qaarada ugu danbaysa caalamka sidoo kale waa qaarada 6aad ee ugu wayn caalamka waa qaarada ugu saraysa waana qaarada ugu qalalan cimilo ahaan waana qaarada ugu dabaylaha badan waana qaarada ugu qaboow waana qaarada ugu barafka badan

Maqaalkeena maanta waxaan ku eegi doonaa xog guudmar ah oo ku saabsan qaaradan layaabka iyo cajaa’ibta u saaxiibka ah

Soodhawaada


Qaarada Antarctica 

Qaarada antarctica waa qaarad ku taala cidhifka fog ee koonfurta caalamka waana qaarad ka go’an caalamka intiisa kale Tusaale hadii aad ka tagtid muqdisho oo ood diyaarad u raacdid qaarada antaractica waxaad usii socon in kabadan 43 saac

Qaaradan waxaa si buuxda u daboolay baraf aad u qaboow   98% oo heerkul kiisu oo ka hooseeyo -560c Taaas oo adkaynaysa in uu banii’aadamku si fiican ugu noolaado barafka qaaradan waxaa ku hoosjira 70% biyaha macaan ee caalamka

Dhulka qaaradan waxaa loo qaybiyaa labo waxaad juquraafiyadeed oo kala ah bariga antarctica iyo galbeedka antarctica

Qaaradan waxaa kuyaaala buuro aad u waawayn oo baraf ah qaarkamida buurahaas ayaa ah kuwo foolkaano ah (si aad u akhrisatid maqaal ku saabsan foolkaanaha Toobo halkan) Arinta layaabka leh ayaa ah qaarad sidan u qaboow in hoosteeda laga helo foolkaanooyin dab ah taasina waa abuurista Allaha awooda badan

Roobabka sanadlaha ah ee kada’a qaaradan celcelis ahaan waa 200ml yacni wax kayar in sadex jeer lakabado heer ladhihi karo roobba kama da’o qaaradan qabawga u saaxiibka ah

Dabaylaha ka dhaca antarctica waa kuwo aad u awood badan oo uu san banii’aadamku u adkaysan karin in uu si dabiici ah ugu noolaado dabaylaha qaaradan waxay jaraan 200km saacadiiba waana heer aad u sareeeya

Dhirta iyo xayawaanada antarctica

Iyada oo qaaradan ay tahay nid aad u qabow oo dabaylo xoogan ay kajiraan haddana waxaajira xayawaano iyo dhir kooban oo laga helo qaaradan qabow dhirta ugu caansan ee qaardan kabaxda waa dhirta loo yaqaano lichens iyo mosses  

Sidookale waxaa jira shinbiro laga helo qaaradan shinbiraha ugu caansan ee qaaradan laga helo aadkana loogu yaqaano waa shinbiraha penguins-ka sida oo kale shinbiraha kale ee laga helo qaaradan waxaa kamida petrel iyo Albatrosses xayawaanad caanka ah ee laga helo qaaradan waxaa kamida xayawaanka loo yaqaano Earless seal-ka waana xayawaankale oo qaaradan ay caan ku tahay

 


Banii’aadamka iyo qaaradan

Qaaradan kuma noola wax banii’aadam ah wayna adag tahay in lagu noolaado cimiladeeda qalafsan, cunto la’aanteeda iyo fogaanteeda awgeed lkn qaaradan waxaa jooga dad aad u kooban oo la sheego in cilmi baadhis ay u joogaan dawladaha waawayn ee aduunka waxay qaaradan ku leeyihiin saldhigyo cilmi baadhiseed oo ay uga faa’iidaystaan danahooda gaarka ah iyo helida macdanaha qaaradan laga helo

Sanadkii 1959kii  labo iyo toban wadan ayaa waxay saxiixeen heshiis dhigayay in qaarada antarctica laga mamnuuco Hubka iyo dhaqdhaqaaq kasta oo ciidan si ay u noqoto mid kacaagan halista iyo wax yeelada hubka banii’aaadamka sidaas darteed qaaradani maanta waa meel kaliya cilmi baadhisyo iyo macdan qodis lagu sameeyo

Cimilada Qaarada Antarctica

Hadii aad tagto qaaradan kaliya indhahaagu waxay qaban labada midab ee barafka kaa hooseeya iyo cirka kaasareeya cadiin iyo buluug oo kaliya qaaradan kama jirto wax ciid ah sidoo kale kama jiro wax dhagax ah inta badan cimilada qaaradan waa mid aad u qabow saan kor kusoo xusnay 

Meelaha qaar oo kamida qaaradan waxaa laga yaabaa muddo lix bil ah in aysan heli mugdiga habeeen ay ku jiraan maalin joogto ah lix bilood oo kalana ay ku jiraan habeen joogto ah Qoraxda ka jirta qaaradan waa mid aan kulayl lahayn mana dhalaaliso barafka jiifa qaaradaas lkn sanadadii ugu danbaysay waxaaa walaac xoogan laga qabaa in barafka qaaradan uu dhalaalo kulaylka aduunka oo kordhaya aawadii

Intaas ayaan ku soo koobaynaa maqaalkii aynu uga hadlaynay qaarada yaabka iyo xiisaha badan ee Antarctica Hadii aad halkan nala soo gaadahy waad ku mahadsantahay waxaad tahay akhriste gooni ah markale MAHADSANID

 Hadii aad tahay qoraa, falanqeeye sports, wariye madax banaan ama qof bulshada ugu jira kaalin muhiim ah ama aad jeceshahay inaad internet ka kashaqaysatid kaliya adiga oo maqaallo qoraya waxaad ubaahantahay meel aad kusoo bandhigtid hibadaada dahsoon kagana macaashtid lacag adigoo bulshadaada ufaaideynaya.

 Adeegyada aan kuu qaban doono

✓samaynta website blog (WordPress) ah oo dhamaystiran

✓saari taanka design quruxbadan

✓domain name free ah

✓theme caalami ah

✓caawin iyo talo joogto ah

✓iyo wax kasta oo ku saabsan blog-ga

hadii aad doonayso nagala soo xidhiidh

https://wa.me/251940452044

www.ogaalka.online


 

Post a Comment

0 Comments