NIYAD~JABKA CUDURKA QARNiGA

 NIYAD~JABKA CUDURKA QARNOGA 

Xanuunka niyad jabku waa cudur sababa dareen murugo iyo cidhiidh I xaga qalbiga ah lkn dusha sare waa qof caafimaad qaba qofka qaba cudurkan ma jiro wax uu farxad ka helo sida laga soo  xigtay haayada caafimaadka aduunka WHO 280milyan oo qof ayaa qaba xanuunkan aduunka oo dhan waxaana la qiyaasayaa in tiradaaas sare ukac uu kuyimaado sanadaha soo socda oo ay gaadho 500milyan

Inkabadan 700,000(todobo boqol oo kun) oo qof ayaa isdila xanuunkan niyad jabka ah dartiis waxaana lasheegaa in sababta afraad ee ugu badan ee dadku ay isku dilaan in ay tahay mid la xidhiidha cudurkan badanaa dhalinyarada isku disha xanuunkan awgiis da’ doodu waxay u dhaxaysaa 15-29

Sidaas oo kale haayada WHO ayaa sheegatay in xanuunka niyad jabku uu kordhay 18% illaa 2005tii  wadamada uu ku badan yahay xanuunkan waa

1. china

2. india

3. South africa

4. America(maraykanka)

5. Brazil

Sida oo kale wadama ugu niyad jabka yar ama xanuunkan uu aad ugu yaryahay waxaa kamida

1. japan

2. Australia

3. Iceland

4. Norwey

5. Sweden

Waxaa ku xiga wadamada islaamka iyo kuwa afrika sababta oo ah aad ayuu ugu yaryahay xanuunkan mana yaqaanaanba sikasta oo ay noloshoodu ugu muuqato mid adag lkn waa kuwo iska faraxsan oo noloshooda caadi u wata gaar ahaan ciddda uu Alle ku manaystay islaanimada iyo iimaanka

Astaamaha Qofka Qaba Xanuunka Niyad Jabka

Way kala duwan yihiin dadka qaba xanuunkan astaamaha lagu arki karo lkn si guuud waxaa kamida

1. Kadhex bixidda bulshad:

Qofka qaba xanuunkan waxa uu bilaabaa si tartiib tartiib ah in uu uga dhex boxo bulshada waxa uuna dhibsadaa lajooga dadka wuxuuna qofkaasi sidaas ku noqdaa mid kaligiis noole ah oo dadka kale ka fogaada waxaana ka lunta farxada oo wuxuu waayaa wax cajab galiya

2. Isbadal guud:

Qofka uu ku dhoco cudurkan waxaa is badal ku yimaadaa nidaamka hurdadiisa iyo wax cuntadiisa waxaa laga yaabaa qofka in uu hurdo maalintii oo dhan ama si aan nidaamsanayn in uu u seexdo amaba wax hurda ah ay ka imaan waydo

Sidaas oo kale qofka uu ku dhoco cudarkan waxaa laga yaabaa in ay khalkhasho nidaaamka wax cunitaankiisa sida in uu si joogto ah wax u cuno amaba uusan wax cunta cunin

3. Xasilooni darro

Waxaa qofka ku yaraata xasiloonida iyo qanacsanaanta sikasta oo uu qofku u haysto caafimaad,lacag,mansab iyo ladnaan aduun lkn kuma qanacsana wuxuuna dareemaa in ay wali wax kamaqan yihiin oo ay jirto firaaqo wuuna ugu danbayn qofku noqdaa mid rajo la’aana ah illaa uu isku qanciyo in uu nafta is dhaafiyo waana meesha ugu danbaysa ee laga gaadho niyad jabka iyo quusta.


Sababaha Keena Niyad Jabka

Banii”aadamku caafimaad ahaan wali ma’uusan fahmin sababaha dhabta ah ee keena xanuunka niyad jabka lkn waxaa loo malaynayaa in xanuunkan uu qof ku kudhoco in ay sababi karaan arimo badan

1. Hida sidayaasha:

Waxaa suurta gal ah in qofka qoyskiisa uu ka dhaxlo xanuunkan sida awooowyaashii ama waalidkiis in ay lahaayeen niyad jabka sidaasna uu dhaxal ahaan ugu soo gaadho

2. Khalkhal maskaxda ah:

In ay isku dheelitirnaan wayaan hormoonadda maskaxda sida kuwa farxadda iyo murugadu waa suurta gal kale oo sababi karta cudurka niyad jabka

3. Dhacdooyinka Dunida

Xaalada nololeed iyo dhacdiiyinka aduunka sida dhimasha dad uu qofku jecel yahay,burburista hantida,caafimaad darada iyo waayitaanka wax walba oo qiimo leh waxaa loo arkaa in ay kamid yihiin waxyaabaha keeni kara niyad jabka

SIDA LOO DAAWEEYO XANUUNKAN

waxaa jira dhawr qaab oo loo daaweeeyo loolana dagaalamao xanuunkan inkastoo laga yaabo in lagu kala duwanaado deegaanka ama diinta qpfka qaba cudurkan waxaana kamid ah qaababkaas.

1. Dhakhtar caafimaad

In uu raad sado dad fahmi kara xanuunkan xirfadna uleh xanuunkan waxaa markaas qofka u sahlanaanaya in si fudud loo daaweeyo xanuunkan

2. Culimada diinta

Dadka aanan muslimiinta ahayn waxay u tagaan markii uu ku dhoco xanuunkan aqoonyahanno ku takhasusay daawaymta cudurka niyad jabka lkn dadka muslimiinta ah inkastoo uu ku yaryahay cudukan haddana qofkii isku arka cudurakan iyo cudurada nafsiga ah oo dhan badanaa waxaa loogeeyaa wadaado cilmi u leh diinta islaamka kolkaasna waxaa qofka laga saxaaa cibaadooyinka iyo xadhiidhka kala dhexeeya Allle wayne

Aaayad

3. Yaraynta walwalka

In uu qofku iska yareeyo kana fogaado waxyaabaha walwalka ku keenaya waxay ka qayb qaadan kartaa daawaynta xanuunkan sidookale waa in uu qofku dib u bilaabaa xidhiidhkii uu lalahaa dadka noloshiisana uu isbadal ku sameeyaa

Gabagabadii: xanuunkan waa mid kamida xanuunada ugu badan aduunka sida ay soo warinayaan haayadaha caafimaadku waana mid kamida imtixaanada uu aAlle mariyo baanii’aadamka bal in uu kufriyo iyo in uu shukriyo, Alle ma keeeno xanuun illaa wuxuu soo raaciyaa daawadiisa lkn ogaalka dadka ayaa laga yaabaa in uu kagaabiyo ogaanshaha daawadaas Alle ha ina ilaaliyo

Hadiii aad nala soo gaadhay halkan aadbaad u mahadsantahay aragtidaada ku aadan maqaalkan iyo wixii su’aalo ah noogu reeb comment-ga markale MAHADSANID

Hadii aad tahay qoraa, falanqeeye sports, wariye madax banaan ama qof bulshada ugu jira kaalin muhiim ah ama aad jeceshahay inaad internet ka kashaqaysatid kaliya adiga oo maqaallo qoraya waxaad ubaahantahay meel aad kusoo bandhigtid hibadaada dahsoon kagana macaashtid lacag adigoo bulshadaada ufaaideynaya.

 Adeegyada aan kuu qaban doono

✓samaynta website blog (WordPress) ah oo dhamaystiran

✓saari taanka design quruxbadan

✓domain name free ah

✓theme caalami ah

✓caawin iyo talo joogto ah

✓iyo wax kasta oo ku saabsan blog-ga

hadii aad doonayso nagala soo xidhiidh

https://wa.me/251940452044

www.ogaalka.online

 

Post a Comment

0 Comments