Khudbaddii Xasan Nasrallah|Muxuu Kayidhi Dagaalka Falastiiniyiinta Iyo Israa’iil

 Khudbaddii Xasan Nasrallah|Muxuu Kayidhi Dagaalka Falastiiniyiinta Iyo Israa’iil

Xasan nasrallah ayaa jeediyay maalmihii lasoo dhaafay khudbad dheer oo socotay 80 daqiiqo khudbadani oo lahadal hayay maalmahan oo dhan ma aysan dhamaystirin wixii laga filayay maqaalkeenan waxaynu ku sooqaadan doonnaa qaarkamida hadaladiisa 

Marka hore waa kuma xasan nasrallah?
xasan c/kariim nasrallah waa 63 sano jir lubnaani ah waaamiirka sadexaad ee ugu sareeya xisbullah wuxuuna jagadan hayay illaa 1992 waana wadaad shiici ah.
FG; maqaalkan ha xukmin adiga oo aanan akhrin ciwaanka ugu danbeeya.
Qayb kamida khudbaddii xasan nasrallah
Waxa uu ku bilaabay waxaan xusaynaa dhammaan shuhadada guutada iska caabinta islaamiga ah ee lubnaan (xisbullah) guutada qassaam iyo dhammaan dadka iyo suxufiyiinta ku shahiiday dagaalkan lagula jiro sahnuuniyiinta (yahuudda xagjirka ah) waxaan u hambalyaynaynaa kooxihii weerarada kasoo qaaday yaman iyo ciraaq qoysaska shuhadaduna waxaan leennahay wax ka fiican ma jiro dagaalkan lagula jiro sahnuuniyiinta waa mid ku bannaan (dagaalkani) diin ahaan iyo akhlaaq ahaanba.
Dhinaca falastiin xukuumadda nacasnimada, gardarrada iyo daandaansiga isku darsatay ee israa’iil waxay ku lansatay afar xad-gudub oo waawayn kumanaan maxaabiis falastiiniyiin ah ayay ku xidheen xabsiyadooda waxay go’doomiyeen masjidul aqsaa waxayna bilawday deegaamayn sharci darro ah waxan oo dhannaca waxay falastiiniyiinta u noqdeen tababar qaabkii ay sahnuuniyiinta isaga caabin lahaayeen Hawlgalkii duufaantiii Al-aqsaa waa midhaha iyo go’aanka falastiiniyiinta qaabka taxadarka leh ee loo soo diyaariyay hawlgalkan waa midka sababay guushan wayn ee cadawga ka nixisay dadka qaar ayaa aaminsan in hawlgalkani uu yahay mid u deeegaya danaha iiraan ee gubolkan lkn arimahani waa kuwo been ah dufaantii Al-aqsaa waa kaliya falcelinta falastiiniyiinta.
Waxaa kale oo uu yiri xasan; weerarkii 7dii bishii hore wuxuu muujiyay in israa’iil ay ka daciifsan tahay buulka caarada weerarkan wuxuu gilgilay haayadihii amniga ee guumaystaha iyo riyadii sii joogitaanka halkan ee yahuudda dagaalkani wuxuu ku dhammaan doonaa guuusha qassa iyo cadawga oo la jabiyo maraykanka ayaana masuul ka ah dagaalka qassa israa’iilna waa uun magac uyaal uu maraykanku adeegsanayo maraykanku wuxuu masuul kayahay dhammaan dagaalladii uu sababteeda lahaa waaana in lagula xisaabtamaa

Ka qayb qaadashada xootiyiinta ee dagaalkan
Xasan nasrallah mar uu kahadlayay qaabka ay xogga wax iska caabinta ee yaman iyo ciraaq uga qayb qaateen dagaalkan ayaa wuxuu yidhi; Xoogaga wax iska caabinta islaamiga ah ee yaman iyo ciraaq waxay weerareen sal-dhigyada maraykanka uu ku leeyahay labadan dal taasina waa go’aan xikmad ku dhisan.
Mar isaga oo la hadlaya wadamada carabta ee ka aamusan dagaalkan qaarkoodna ay taageereen israa’iil ayaa wuxuu yidhi “xalku kuma jiro in aad canbaaraysaan oo kaliya ka joojiya gaaska aadsiisaan israa’iil u jara dhammaan xidhiidhada aad la leedihiin’’.
Dadka qaar ayaa aaminsan hadii qassa ay guulaysato in ay dan ugu jirto iiraan iyo ikhwaanul muslimiinka oo kaliya lkn tanina waa khalad guusha qassa waxay dan ugu jirtaa wadamada gobolka oo dhan tani waa danta jiritaanka oo dhan waxaa ku jira danta urdun,danta suuriya iyo danta lubnaan.
Xisbullah iyo dagaalkan
Annaga (ka xisbullaahi ahaan) waxaaan dagaalka galnay 8dii bishii hore maalintii labaad ee dagaalka waxaan dagaal ka wadnaa xuduuda lubnaan dadka raba in xisbullah ay dagaalka gasho waxa xuduuda lubnaan ka dhacaya waxay ula ekaan karaan wax yar lkn xaalladu sidaas ma ahan halkaasna kuma ekaan doonto xuduuda lubnaan waxa ka socda lama arag illaa 1948dii waxaa ka socda dagaal xitaa kawayn kii 2006dii waxaan hoos u dhignay awoodda cadawgu uu qassa ku beegsan lahaa waxaa suurta gal ah in dagaalkan uu sii balaadhan karo tani waa n cadawgu maskaxda ku hayaa.
Waxaa kale oo uu intaa ku daray; Dhammaan teen waxaan wadnaa dagaal iska caabin ah waxaan wali u baahan nahay wakhtigii dharbaaxida ugu danbaysa aan ku dhufan lahayn guulo ayaan gaadhaynaa waa in aan dhammaanteen ka shaqaynaa guusha iska caabinta ee qassa.
Nuxurka khudbadan
Khudbadan aadka u dheer ee xasan nasrallah lagama faaa’iidayo hal qodob oo ay dan ugu jirto falastiiniyiinta ay duqayntu ku socoto kaliya waxaa laga faa’iidayaa hadalada ninkan in uu leeyahay israa’iil in badan oo ka mida ciidamadeedii waxay keentay xuduudka lubnaan taaasina waxay daciifisay awoodeedii ay ku wajahi lahayd falastiiniyiinta lkn taas maxaa dan ah oo ugu jirta dadka dulman? waa waxba!
Sikooban dadbadan oo sunni ah ayaa waxay u jilicsanaadeen oo ay ku dagmeen hadaladda wadaadkan shiiciga ah iyo kuwa lamidka ah iiraan iyo kooxaha ay taageerto ee xisbullah iyo xaatiyiiinta wax dan ah uguma jirto guusha sunniyiinta iyo noloshoodaba sida taariikhdu ay kamarag kacayso waxaa ku waana qaadasho inoogu fillan sanadihii ugu danbeeya waxa ay shiicadu kasamaynaysay suuriya,ciraaq,lubnaan iyo yaman shiicadu kama dhibaato yara yuhuuda iyo reer-galbeedka
Yaan lagu dagmin hadalada macaan ee shiicada!
Hadii aad tahay qoraa, falanqeeye sports, wariye madax banaan ama qof bulshada ugu jira kaalin muhiim ah ama aad jeceshahay inaad internet ka kashaqaysatid kaliya adiga oo maqaallo qoraya waxaad ubaahantahay meel aad kusoo bandhigtid hibadaada dahsoon kagana macaashtid lacag adigoo bulshadaada ufaa'iideynaya waa in aad leedahay website kaas oo aad ku soo bandhigtid wax qabadkaaga 
Haddaba waxaan Diyaar kuula nahay in aan kuu samayno website 100% dhamaynstiran oo Diyaar u ah in AdSense ga lagu xidho
 Adeegyada aan kuu qaban doono
✓samaynta website blog (WordPress) ah oo dhamaystiran
✓saari taanka design quruxbadan
✓domain name free ah
✓theme caalami ah
✓caawin iyo talo joogto ah
✓iyo wax kasta oo ku saabsan blog-ga
hadii aad doonayso nagala soo xidhiidh
https://wa.me/251940452044
www.ogaalka.online
x

Post a Comment

0 Comments