SADEX BOQOR OO LAYAABLEH! YAABKA YAABKII QAYBTII 2aad

SADEX BOQOR OO LAYAABLEH! YAABKA YAABKII QAYBTII 2aad



Maqaalkan waxaan kusoo gudbin doonaa sadex boqor oo layaableh iyo dhacdooyinkii ay sameeyeen 

Waana qayb kamida buuga yaabka yaabkii 









Boqorka 1aad


Vitellius waa boqor kamida boqoradii roomaanka 

Maalintii wuxuu isticmaali jiray lacag kabadan 370(kun) oo doolar

Wadarta 8 bilood oo ah intuu xilka hayay wuxuu isticmaalay 90 milyan oo doolar 


Waxaana layaableh cuntooyinka uu isticmaali jiray oo ay kamid ahaayeen carabka shimbirta bulbul (البلبل) oo ah nooc kamida shimbiraha yaryar,

Cunto laga sameeyo dhuuxa shimbirka daa'uuska, beerka kaluunka (الببغائية) (soomaali ahaan magaranayo) iyo cuntooyin kale oo layaableh 


Intaasoodhan waxaa kasii yaab badan in boqorkaas maalintii isticmaala 370 kun ay hooyadii udhimatay gaajo darteed kadib markii ay sixiroolayaashiisu u sheegeen in hadii ay hooyadii kahor dhimato uu xukunka hayndoono mudo dheeer sidaas darteed ayuuna hooyadii gaajo ugu dilay 

Warkii sixiroolayaashuna sax manoqon oo wuxuu mudada hayay kaliya sideed bilood 



Boqorka 2aad


Dhacdooyinka layaabka leh ee boqorada laga soo wariyo waxaa kamida in boqor kamida boqoradii hore uu lahaan jiray labo nin oo ay shaqadoodu tahay in uu boqorka midna amaano midna uu caayo 


Midka boqorka amaanaya wuxuu kamid yahay qaraabada boqorka wuxuuna toosaa aroortii xili hore kadibna wuxuu aadi guriga boqorka asagoo toosinaya boqorka kuna bilaabaya amaan aan kala joogsi lahayn wuxuuna ku tilmaami jiray dhammaan sifooyinka wanaagsan sida in uu dhaho waxaad tahay boqor geesiga,naxariisbadan,xakiim ah iyo wixii lamida kadibna boqorku ninkaas amaanay wuxuu siin jiray hadyado Kala duwan oo uu ku abaal marinayo 


Markii lagaadho galinka danbe waxaa dadka lagu soo uruurin meel fagaare ah kadibna waxaa imaan ninkii boqorka caayi lahaa oo nin shaqadan kadhaxlay aabihii kadibna ninkii wuxuu bilaabi inuu boqorka caayo 

Isaga oo ku sifaynaya sifooyin xunxun sida inuu dhaho waxaad tahay boqor daalim ah,tuug ah,siyaasad xun iyo dhamaan wax kasta oo lagu caayo qof madax ah 


Boqorkuna intaas la caynayo xaq Uma laha inuu is difaaco lkn boqorka dhiniciisa waxaa taagan nin wata seef sumaysan wuxuuna ninkaasi isha laraacayaa dadka dhagaysanaya cayda boqorka hadii uu arko qof dadka kamida oo ku faraxsan cayda boqorka ama ladhacsan waxa boqorka lagu tilmaamayo si dagdag ah ayuu xagiisa usoo aadi 


Intaa wixii kadanbeeya waxaa dhici waxa aad filanayso waxaa lakala saari madaxiisa iyo jidhkiisa inta kale 



Boqorka 3aad 


Sanadku markuu ahaa 428(miilaadiyada)

Deegaanka Osaka ee koonfurta Japan waxaa ku dhintay boqor la odhan jiray Nintoku


Arinka layaabka leh waa in boqorkan lagu aasay qabriga ugu wayn caalamka oo dheerarkiisu yahay 485,851 mitir halka balaciisu yahay 30,480 mitir joogiisuna waa 1,234,572 oo mitir 


Qabriga intaas la eg waxaa ku aasan boqorkaas Nintoku 


Post a Comment

0 Comments