MAXAY DAWLADAHA CARABTU UGA BAQAAAN MARAYKANKA

 Maxay dawladaha carabtu uga baqaaan maraykanka

Wali ma iswaydiisay sababta dawladaha carabtu ay sida indha la’aanta ah u raacaan una fuliyaan awaamirta iyo danaha maraykanka?

Mase is waydiisay sababta falastiiniyiinta oo ah dad muslimiinta ah dawladaha carabtu aysan wax garab istaag ah ugu muujin dhinaca kalana ay ukala ordaan u dhawaanshaha iyo xidhiidh la samaynta dawlada guumaysiga ah ee israa’iil?

Sidookale ma iswaydiisan sababta dawlada carabtu aysan u lahayn quwad milatari oo xoogan iyaga oo awooda noocwalba oo hub aduunka yaala in ay gataan?

Hadii aad su’aalahan iyo kuwa lamidka ah aad horay isku waydiisay maqaalkeenan waxaan isku dayi doonnaa in su’aalahaas aynu jawaab lagu qanco ka bixino soodhawaada


Carabta maxaa maraykanka kala dhaxeeya

Inta badan dadku badanaa waxy u maleeyaan maraykanku in dawladaha carabta uu si qasab ah kaga dhamaysto danahiisa gaarka ah lkn taas kasoo horjeedkeeda dawladaha carabtu iyaga ayaaba u baahan maraykanka iyo xulafadiisa reer galbeedka tanina waa sababta aysan u qaadi karin tallaabo ka dhan ah maraykanka iyo danihiisa . waxyaabaha carabta ku khasbaya in wiil baarri ah ay u noqdaan maraykanka waxaa kamida arimahan soo socda

1. Aqoon la’aan

Sida aynu wada ognahay wadamada carabta dhulkooda waxaa ceegaaga gaas dabiici ah waana tan ka dhigtay in ay noqdaan wadamo qani ah lkn gaaskaas iyo shidaalka noocyihiiisa kala duwan ee laga helo carabta si loosoo saaro wuxuu u baahan yahay in marka hore la sahmiyo oo la ogaado dhulka uu ku jiro gaasku kadibna la qodo oo lasoosaaro gaaskii oo caydhiin kadibna la sifeeyo si uu u noqdo mid lasuuqgayn karo lana isticmaali karo

Nasiib darrro shirkadaha carabtu malahan aqoontaas iyo khibradaas sidaas darteed waxay ku shasban yihiin in ay heshiisyo la galaan shirkadaha wadamada galbeedka tusaale ahaan shirkada shidaalka boqortooyada sucuudiga ee aramco waxay heshiis shidaal baadhis,qodis iyo suuqgaynba la leedahay shirkadaha ajaanibta


2. Maalgashi la’aan

Wadamada carabtu waxay u baahan yihiin in maalgashi lagu sameeyo shidaaalkooda waxayna ku tiirsan yihiin maalgashiga dawladaha shisheeye tusaale: sacuudigu waa dalka ugu badan ee dhoofiya shidaalka lkn wuxuu ku tiirsan yahay maalgashiga dawladaha shisheeeye sanadkii hore ee 20222 dalka sucuudigu wuxuu heshiis ku kacaya Hal bilyan oo doolar uu la sixiixday shirkada schlumberger oo ah shirkad maraykan ka laga leeyahay oo ka shaqaysa soosaaarista saliida iyo kaydinteeda

Sidoo kale dalka ciraaq waa dalka 5aad ee ugu soosaarka badan saliida aduunka oo dhan lkn wuxuu ku tiirsan yahay maalgashiga dalalka shisheeye tusaale: sanadkii 2021 ciraaq waxay heshiis 28 bilyan oo daalar ah la gashay shirkada exxonmobil oo ah shirkad maraykan ah oo saliida iyo gaaska soosaarta

Gabagabadii:  Maahmaah carbeed ayaa waxay ahayd من لا يملك قوته لايملك قراره   “qofkii aan maamulin quutkiisa ma maamuli karo go’aanadiisa”  waana waxa haysta dawladaha carabta labadaas qodob waa markii laga fiiriyo dhinaca shaqaalaha lkn maxaa jira dhinacyo kale oo ku khasbaya dawladaha carabta in ay u hogaansamaan waliba si qasab ah awaamirta iyo danaha shaydaanka wayn ee maraykanka iyo guud ahaan reer-galbeedka

Maqaalkeenu intaas ayuu ku egyahay waxaan filayaa in waxuun laga faa’iiday hadii aad halkan nala soo gaadhay mahadsanid

Hadii aad tahay qoraa, falanqeeye sports, wariye madax banaan ama qof bulshada ugu jira kaalin muhiim ah ama aad jeceshahay inaad internet ka kashaqaysatid kaliya adiga oo maqaallo qoraya waxaad ubaahantahay meel aad kusoo bandhigtid hibadaada dahsoon kagana macaashtid lacag adigoo bulshadaada ufaaideynaya.

 Adeegyada aan kuu qaban doono

✓samaynta website blog (WordPress) ah oo dhamaystiran

✓saari taanka design quruxbadan

✓domain name free ah

✓theme caalami ah

✓caawin iyo talo joogto ah

✓iyo wax kasta oo ku saabsan blog-ga

hadii aad doonayso nagala soo xidhiidh

https://wa.me/251940452044

www.ogaalka.online

 

 

Post a Comment

0 Comments