SOO KOOBIDA BUUGA LOOLAN QAYBTII 7aad

 

SOO KOOBIDA BUUGA LOOLAN QAYBTII 7aad


Waa maqaaladii taxanaha ahaa ee AAN ku soo koobaynay buugga 𝐋𝐎𝐎𝐋𝐋𝐀𝐍 qaybtii 7aad

Hadii aadan akhrisanin maqaaladii hore si aad u akhrisatid TOOBO HALKAN👈

Waxaa inoo dhamaaday cutubkii 5aad




                     
                          CUTUBKA 6aad
QODOBBADATAMARTAIYOTAAGDARRIDA


1- Ciidanka horqabsada goobta dirirtu ka dhacayso ee suga colkii cadaawihiisu wuu ka degganaan iyo karaan badan yahay geeshka goor danbe goobta iska soo xaadiriya oo waxa uu imanayaa kan danbe isaga oo daallan oo dabindhawranaya, illeen kamiinno iyo in jillaabo loo dhigtay ayuu iska ilaalinayaa oo wuu raadgadanayaaye.
Sidaa awgeed; xirfadaha dagaalka waxa ugu mudan in aad cadowgaaga ku kallifto in uu goobta kugu la kulmo intii uu adiga sandulle kaaga dhigi lahaa in aad isaga aaddo oo la kulanto.

2- Sidaas awgeed; dagaalyahanka bislaaday waxa uu cadowgiisa ku kallifaa in uu u soo dhirindhiriyo' dhank goobta, balse kama yeelo in isaga la soo dhirindhiriyo.

3- Si aad uga waxtaransato cadowgaaga, waa in aad sandulle kaga dhigtaa in uu sida aad la doonayso kuugu soo dhowaado, ka dib adiga oo khasaare aanu Ka kaban gaadhsiinaya waa in aad galinsiisaa in aanu agagaarka ka soo ag wareegin.
(marka hore jillaab u dhigo, marka uu soo qamaamana lix iyo laba isugu celi oo meel aanu ka kicin ku dhufo)

4- Haddii uu cadowgaagu nasanayo nafta ku dhib, haddii uu leeyahay nacabkaagu dhabbooyin wanaagsan oo ay u soo maraan quudka iyo gurmadku ka goo oo gaajo bad, haddii uu cadaawahaagu saldhig meel ka samaysanayana marka uu iska la daadiyo hunjaali¹ oo ku kallif in uu si habaqle ah u guuro.

5- Iska muuji oo uga horree meelaha uu ka difaac galayo ee uu naflacaariga ku la carceerayo, sida ugu dhakhsaha badanna u gaadh oo u qabso meelaha aanu kaa filanayn.

6- Ciidanku baaxad kasta ha lahaado'e inta uu doono wuu socon karaa, masaafada uu doonana wuu jari karaa isaga oo aan werwer iyo dabin dhawrasho midna lahayn, waa haddii uu qaadayo dhabbooyin ka aamin ah cadaawaha jidgooyadiisa.

7- Waad ka dhabayn kartaa libintaada haddii aad weerarto meelaha aan feejignayn ee cadaawuhu aanu difaacistooda isku hawlin.
Waad is difaaci kartaa haddii aad gacanta ku dhigto meelaha aan weerarka nacabka loo tuhmayn ee aaminka ah. Iyada oo ay sidaas tahay haddana waa in aad difaacaaga meel walba ka adkaysataa.

8-Taliyaha ku horreeya xirfadda weerarku ma yaqaano cadaawihiisu si uu isu difaaco iyo dhan uu iska adkeeyo. Taliyaha difaaca ku horreeyana ma yaqaano cadowgiisu meel uu ka weeraro iyo dhan uu kaga yimaaddo. dhabee adeegsiga hannaanka doqonimagaratada iyo dahsoonaanta ah.

9.Baro sida loo qarsoomo ee indhaha dadka la isaga dhawro.
Baro sida loo jabaqdhawrto ee dhawaqaaga loo qariyo. Sidaas ayaad hoggaanka ugu qabanaysaa cadaawahaaga

10- Ma haleelayo cadaawuhu in uu iska kaa caabiyo oo weerarkaaga ganafka ku dhufto haddii aad ka abbaarto meelaha uu ka taagtadaran yahay, dibugurasho iyo gabbaadsina waad ka haleelaysaa halista iyo wanqaraha cadaawaha, haddii uu dhaqdhaqaaqaagu ka dheereeyo ka nacbkaaga.

11- Haddii uu dagaalku kaa dhab yahay waa in aad cadowgaaga galinsiisaa in uu gubtahanyoodo, xataa haddii uu ku jiro gabbaad adag iyo godad gundheer.

LASOC QAYBTA XIGTA
MAHADSANIDIIN

Hadii aad tahay qoraa, falanqeeye sports, wariye madax banaan ama qof bulshada ugu jira kaalin muhiim ah ama aad jeceshahay inaad internet ka kashaqaysatid kaliya adiga oo maqaallo qoraya waxaad ubaahantahay meel aad kusoo bandhigtid hibadaada dahsoon kagana macaashtid lacag adigoo bulshadaada ufaaideynaya.

Adeegyada aan kuu qaban doono

✓samaynta website blog (WordPress) ah oo dhamaystiran
✓saari taanka design quruxbadan
✓domain name free ah
✓theme caalami ah
✓caawin iyo talo joogto ah
✓iyo wax kasta oo ku saabsan blog-ga

hadii aad doonayso nagala soo xidhiidh

https://wa.me/251940452044

www.ogaalka.online

Follow Us social media

Facebook 👇
https://www.facebook.com/OGAALKA17

YouTube  👇
https://youtube.com/@Ogaalkaonline

Telegram 👇
https://t.me/ogaalka0

Twitter     👇
https://twitter.com/UsameKayse

Post a Comment

0 Comments