SOO KOOBIDA BUUGA LOOLAN QAYBTII 5AAD!

SOO KOOBIDA BUUGA LOOLAN QAYBTII 5AAD!




Waa maqaaladii taxanaha ahaa ee AAN ku soo koobaynay buugga 𝐋𝐎𝐎𝐋𝐋𝐀𝐍 qaybtii 5aad


Hadii aadan akhrisanin maqaaladii hore si aad u akhrisatid TOOBO HALKAN👈






Waxay inoo joogtay cutubka 4aad qodobka 14aad halkii aan kasii wadno


Wuxuu ku leeyahay SUN TZU 


15. Hoggaamiyaha istiraatiijiyadda dagaalka ka dheregsani, waxa uu goobta ku duulaa oo dagaalka bilaabaa ka dib marka uu guusha geed sii saarto, ka dibna dhabbada yari dhabbada weyn ayay kugu riddaaye libinba libin ayuu ku sugaa. Marka qorshaha aad ku guulaysan karto aad dejisato u hoggaami halyayyadaada goobta, dagaalkana xeelad ku bilaw si cadawgaagu u moodo in ay xeeladiba xeelad kale kugu simayso. 


16. Hoggaamiyaha dhammayskatirani waxa uu kasbadaa xeerka dagaalka, si adagna waxa uu ugu dhegganaadaa hannaanka iyo anshaxa colaadda, sidaas ayayna guushu ugu gacan gashaa oo uu u maareeyaa. 


17. Marka aynnu addeecayno hannaanka ciidannimada waa in aynnu: 

1) Cabbirnaa bedka dhulka uu ku fadhiyo geeshka nacabku si aynnu u garano cududdiisa. 

2) Qiimaynaa mugga colka cadaawaha si aynnu u ogaanno xaaladdiisa iyo duruufaha nololeed ee ku gedaaman. 

3) Xisaabinnaa tirada ciidankiisa si aynnu u yaqiinsanno inta aynnu kaga dhacayno iyo sida aynnu u abbaarayno. 

4) Is barbardhignaa awooddeena iyo ta cadowgeenna si ay i noogu caddaato dhanka aynnu kaga aadaynaa. 

5) Guusha saadaalinnaa si aynnu u odorosno dhanka jabku inaga haleeli karo. 



18. Ciidanka guulaystay marka kefad la la saaro colka jabay waxa ay isu noqonayaan dhadhaab lagu miisaamay xabbad quruurux ah. 



19. Degdegsiinyaha ciidanka libinta ku helay waxa la moodaa biyo ka soo burqanaya buur fiiqeed oo ku arooraya dhusinka arlada.




                         Cutubka 5aad

                 Tamarta Iyo Karaanka



1- Maamulka iyo maaraynta guutooyinku waxa ay la mid tahay maamulidda hurin dhawr nin ah, waxa ayna ku xidhan tahay hadba sida aad u nimdaamiso ciidankaaga, waana in aad ciidankaaga u qaybqaybisaa cutubyo, kooxo, unugyo iyo hurimo, mid walbana aad hoggaamiye u astaysaa. 


2- In aad ku dagaal gasho ciidan mug iyo miisaan leh iyo in aad ku dagaallanto hurin yari waxba kuu ma kala duwana mar haddii aad si habsami ah u adeegsato astaamaha iyo ishaarooyinka ciidannimo ee amarrada xanbaarsan. 


3- Si aad u xaqiijiso in uu geeshkaagu weerarrada laba dhacaya ee cadaawaha iska xejin karo oo aanay safafkiisu furfurmayn waa in aad u carbisaa ciidankaaga si toos ah iyo si dahsoonba oo aad cadawga si toos ah iyo si dahsoonba u daandaansataa si aad u baqe galiso.


4- Boorrinta iyo guubaabadu waa in ay laabaha colkaaga saamaysaa sida uu dhagaxdixeedku u bashaaqiyo (jabiyo) beedka. Taasna waxa aad ku kasban kartaa in aad barto ciidankaaga goldaloolooyinka iyo dhinacyada ay ka dhisan yihiin iyaga iyo cadowguba. 


5- Hannaan kasta oo loo dagaallamaa waxa uu isugu biyo shubanayaa laba mid uun: hab toos ah iyo hab dahsoon. Habka tooska ah waxa loo adeegsadaa in goobta lagu la libinta weeraro oo warmaha la is waydaarsado. Habka dahsoonna waxa loo adeegsadaa in guusha lagu xaqiijiyo oo libinta lagu rumeeyo.  


6- Taatikada aan tooska ahayni waa seeska libinta, haddii faa'idadeedu ay mar barriiqatana waa hubaal in mar labaadka laga waxtaransanayo oo waa sida ay dayaxa iyo cadceedduba u dhacaan ee u soo bidhaamaan. 


7- Ma jiraan wax ka badan shan hannaan oo muusiga loo garaacaa; balse markii uu laxamaystihii isku dardaray waxa uu ka allifay laxanno badan oo aan waligood la maqlin. 


8- Ma jiraan wax ka badan shanta midab ee aasaasiga ahi (Buluug, Huruud, Casaan, Caddaan iyo Madow) balse markii la isku qasay waxa ka soo baxay midabo badan oo aan waligood la dheehan. 


9- Ma jiraan wax ka badan saddexda dhadhan ee aasaasiga ahi (Macaan, Qadhaad iyo Dhanaan) balse marka la isku daro waxa ka soo baxaya dhadhan aan hore loo dhadhamin.


10-Goobta dagaalka; ma jiraan wax ka badan laba hab oo loo weerartamaa, hab toos ah iyo hab dahsoon, haddii la mideeyo oo hal mar la wada'adeegsadana waxa ka dhalanaya taxane aan dhammaanayn oo ciidankaaga carbin u ah, cadowgaagana ceejin (cunaqabad) ku ah.


LASOCO QAYBTA XIGTA 

MAHADSANID 


 


Hadii aad tahay qoraa, falanqeeye sports, wariye madax banaan ama qof bulshada ugu jira kaalin muhiim ah ama aad jeceshahay inaad internet ka kashaqaysatid kaliya adiga oo maqaallo qoraya waxaad ubaahantahay meel aad kusoo bandhigtid hibadaada dahsoon kagana macaashtid lacag adigoo bulshadaada ufaaideynaya.

Adeegyada aan kuu qaban doono


✓samaynta website blog (WordPress) ah oo dhamaystiran

✓saari taanka design quruxbadan

✓iibinta domain name

✓theme caalami ah 

✓caawin iyo talo joogto ah 

✓iyo wax kasta oo ku saabsan blog-ga 


hadii aad doonayso nagala soo xidhiidh 

https://wa.me/251940452044

www.ogaalka.online



Follow Us social media


Facebook 👇

https://www.facebook.com/OGAALKA17


YouTube  👇

https://youtube.com/@Ogaalkaonline


Telegram 👇

https://t.me/ogaalka0


Twitter     👇

https://twitter.com/UsameKayse


Post a Comment

0 Comments